Xagjir carab ah oo dilay ey aan waxba galabsan

Nin jidadka Newyork lugaynaya baa wuxuu arkey ey’ weeraraya gabadh yar. Ninkii wuxuu u orday xaggii ey’ga, dabadeedna ey’gii is haleeleen. Illaa u diley eygii, uuna badbaadiyay gabadhii yarayd.

Nin boolis ayaa saddeexay labadooda oo daawanayey waxa dhacayay. Ninkii booliska waxaa uu kusoo dhawaadey dhankii ninkii gabadha yar badbaadiyay dabadeedna u sheegay inuu yahay geesi. Wuxuu sii raaciyay inuu beri joornaalka kusoo dari doonno isaga oo ciwaan uga dhigaya “Nin geesi reer Newyork ah oo gabadh yar ka badbaadiyay ey’ dad cun ah”.
Ninkii: Laakiin anigu ma ihi reer Newyork?
Booliskii: Hadday sidaas tahay waxaanu ku qori doonnaa “Nin Ameerikaan geesi ah oo gabadh yar ka badbaadiyay ey’ dadqaad ah”.
Ninkii: Anigu ma ihi Ameerikaana.
Booliskii: Isagoo yaaban buu yidhi haddaa yaad tahay?
Ninkii: Waxaan ahey Carab.

Maalinkii danbe warkii waxaa lagu soo qoray “Xagjir carab ah oo diley ey’ aan waxba galabsan oo Ameerikaan ah”.

Soo jeedintii: ahmed abdi kahin

waxaa turjumay : Cabdiraxmaan Umal

abdiraxmaan Umal

Maxay Gambia u noqotay waddanka dacwadda xasuuqa muslimiinta ka gudbiyay Myanmar?

Haweeneyda hoggaamisa waddanka Myanmar, oo horayna ugu guuleysatay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobel-ka, Aung San Suu Kyi, ayaa si adag u dafirtay eedeymo loo jeediyay dalkeeda oo ku saabsan inuu sameeyay xasuuq ka dhan ah qowmiyadda muslimiinta Rohingya, ee looga tirada badan yahay waddankaas.

Waxay ku doodday inaysan jirin caddeymo loo hayo in howlgalka uu milatariga Burma wado ay ujeeddadiisu tahay xasuuq.

Aung San Suu Kyi ayaa ka jawaabeysay kiis uu waddanka Gambia gudbiyay oo ay dhageysaneyso maxkamadda Qaramada Midoobay hoostagta ee caddaaladda adduunka.

Garsooreyaasha maxkamaddan uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa dacwadda furay maalintii Talaadada ahayd.

“Maanta, jamhuuriyadda Gambia waxay idinka codsaneysaa inaad dhageysataan oohinta dadka la xasuuqayo iyo dhawaaqooda ay caawinaadda ku dalbanayaan”, sidaas waxaa yiri Aboubacarr Tambadou, oo dooddiisa maxkamadda ku furay erayadan qalbiga taabanaya.

Kiiska ku saabsan xasuuqa ee ka dhanka ah dowladda Myanmar ayaa taageero ka heysta ururka ay ku mideysan yihiin 57-da waddan ee muslimiinta ah(OIC) iyo waliba koox qareenno caalami ah, laakiin waa wasiirka caddaaladda ee dalka Gambia qofka qaaday tallaabada ugu weyn.

“Maxaa u diidaya Gambia?”

Kumannaan qof oo kasoo jeeday qowmiyadda muslimiinta ah ee Rohingya ayaa la dilay in ka badan 700,000 ayaana ku barakacday howlgallo ay sanadkii 2017-kii billaabeen milatariga waddankaas ay ku badanyihiin dadka heysta diinta Budiistaha.

Tallaabada ay qaadeen milatariga Myanmar iyo dowladda ay horkaceyso Aung San Suu Kyi ayaa si weyn looga cambaareeyay caalamka oo dhan. Dadka qaar xitaa waxay soo jeediyeen in guddiga abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka ay haweeneydaas ka celiyaan billadda horay loo siiyay.

Hase yeeshee, waddanka yar ee ku yaalla galbeedka Qaaradda Afrika ee Gambia, oo masaafe ahaan dhaca meel in ka badan 11,000 oo kiiloomitir u jirta Myanmar, ayaa hoggaanka u qabtay tallaabo sharci ah oo laga qaadayo waddankaas.

“Maxaa u diiday Gambia? Maxaan mas’uuliyaddaas ugu dhaafeynaa cid kale?”, ayuu yiri Aboubacarr Tambadou.

“Sharciga caalamiga ah looguma talagalin waddamada qaniga ah iyo kuwa awoodda badan oo kaliya, waxaa loo sameeyay dhammaan dalalka dowladaha leh. Uma baahnid inaad cudud milatari leedahay ama dhaqaalahaagu uu sarreeyo marka aad caddaaladda u istaageysid”, ayuu ku yiri wareysi uu siiyay BBC-da.

Guuldarro labaad

Qareenkan isu baddalay siyaasiga ayaa aad loogu yaqaannaa dadaalka uu u sameyn jiray inuu dacwado kusoo oogo dambiileyaashii ku lugta lahaa xasuuqii ka dhacay waddanka Rwanda

Dowladda Gambia waxay codkeeda rajada leh u adeegsaneysaa inay cambaareyso xasuuqa ay Myanmar u geysatay shacabkeeda. Waxay ila tahay in beesha caalamka looga baahanyahay sidaasoo kale. Adduunku wuxuu ku guul darreystay inuu hor istaago xasuuqii Rwanda ka dhacay sanadkii 1994-kii. Haddana waxaan mar kale ku guul darreysaneynaa inaad hor istaagno xasuuqa dadka qowmiyadda Rohingya”, ayuu yiri Tambadou.

Waa markii ugu horreysay ee waddan aan si toos ah ugu lug lahayn eedeymaha dambiyada uu kiis hor geeyo maxkamadda ICJ, isagoo adeegsanaya xubinnimadiisa golaha ka hortagga xasuuqa ee Qaramada Midoobay.

Tambadou ayaa booqasho ku tagay waddanka Bangladesh bishii May ee sanadkii 2018-kii wuxuuna booqday xero ay ku jiraan dadka qowmiyadda Rohingya, arrintaas ayaana ku dhiirrigalisay inuu u dagaallamo qaxootigaas

Soo galooti sharcidarro ah”

Myanmar, oo ah waddan ay ku badan yihiin dadka heysta diinta Budiistaha ayaa qowmiyadda Rohingya u arka inay yihiin dad kasoo jeeda Bangladesh oo si sharci darro ah ku galay waddankooda.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladihii soo maray Myanmar tan iyo sanadkii 1962-kii ay dadka kasoo jeeda qowmiyadda Rohingya ka hor istaagayeen xuquuqdooda siyaasadeed iyo tan rayidkaba, oo ay ka mid tahay in loo diido sharciga dhalashada

Qodobbadan dhinaca nidaamka ah ayaa fure u ahaa dacwadda ay Gambia u gudbisay maxkamadda ICJ.

Myanmar waxay xirxirneyd muddo tobannaan sano ah oo ay maamulayeen milatariga. Awoodda sida sharciga ah la isugu wareejiyo ayaa billaabatay wixii ka dambeeyay doorashadii dhacday sanadkii 2015-kii.

SAAXIIBO IS JECEL

Hal tagsi bay wada wadaan. Waana isku da’aad. 20 jirro iminka uun waxbarashada jaamacadeed bilaabay. Saaxiibnimo aan heerkeeda erayo lagu cabbiri karin baa ka dhexaysa. Gaadhigaa ayay ku shaqaystaan, waxna way bartaan. Si aanu waqtigu uga beerdarroobin, midkoodba gelin buu wax dhigtaa, gelinna tagsiguu kaxeeyaa. Axmed intuu aroornimada jaamacadda ku maqan yahay, waxa tagsiga ku sii shaqeeya Isaaq oo ah labadooda kan madaxa fiiqan ee wejigiisana shaarbuhu ku soo dhigayaan. Markuu duhurnimada saaxiibkii jaamacadda ka soo qaado, ee ay ilaa galabnimada soo wada xoogsadaan, ayuu tiisa tagaa, oo furaha ku wareejiyaa Isaaq oo halkaa ka sii anbaqaada.

Maalmaha fasaxa ay yihiin iyo habeennimadiina labadooduba way is raacaan, oo qofkii rakaab ah ee tagsigooda qabsadaa wuxuu moodayaa in ay dibindaabyo u shuraakoobeen. Kolkaan soo koray tagsigooda, anigaba dareenkaas baa i galay. Sheekadooda markuu ogaado se ayuu ku qancayaa in tani tahay natiijada saaxiibnimo xididaysatay. Kolkaan qisadooda helay, anigaba qanaacadan baa i gashay.

Habeenkii markay shaqada dhammeeyaan, waxay baabuurta ku xereeyaan geerash ay lacag yar siiyaan oo ay alasayda ku soo jarmaadaan. Guryahooda oo aan deris ahayn ayayna u kala carraabaan.

Sidaas ayay noloshooda ku debberaan. Waxayna u arkaan in saaxiibnimadoodu goor roon tustay fekraddan dhaqaale iyo dhaqmaatiba ugu filan.

w/q: Abdicasiis aw guudcade

Qaliinkii Ugu Halista badan aduunka

Dr. Sergio Canavero waaa dhakhtar Talyaani ah. Waxa uu qaabilsan yahay qalliimada laga fuliyo xubnaha neerfayaashu maraan sida maskaxda iyo lafdhabarta. Waxa uu ku hamminayaa in uu fuliyo qalliinkiii ugu horreeyay abid qof madixiisa inta lasoo qaado qof kale lagu tallaalayo. (Head Transplant).

Isku daygan ayuu shaaciyay sanaddii 2015-kii. Dhakhtarkan ayaa wali wada qorshaha la doonayo in qof madixiisa qof kale lagu tallaalo. Sida uu sheegay waxa uu doonayaa in qof baraalis ah oo fadhiid ah oo kursiga curyaamada saaran inuu madaxiisa ka soo jaro oo ku tallaalo nin maskxadiisu fadhiid tahay oo u baahan maskax aadame.

Qorshuhu waxa weeye in nin Ruush ah oo jirka baraalis ka ah oo curyaan ah bakse maskaxdiisu joogto oo shaqaynayso in madaxiisa lagu tallaalo oo intii lasii jaro kagu dhajiyo qof maskaxdumiisu tagtay oo aysan shaqaynayn. Markaa madixii ninka ruushka ahaa qofkii kale ayuu madax u noqon. Qofka halkaa kasoo baxa waxa uu noqonayaa ninkii Ruushka ahaa, maadama maskaxdiisii ay shaqynayso.

Balse sannadkan ayuu ninkii Ruushka ahaa is badalay oo ka laabtay go’aankiisii ahaa inuu madaxiisa jir qof kale ku isticmaalo. Waxa uun sheegay inuu guursaday wiilna u jooga, waxa uuna yiri ma doonayo inaan wiilkayga iyo xaaskayga ka tago oon dhinto (haddii qalliinku guul darraysto) Qalliinka hakad ayaa ku yimid. Waxaana la raadinaya qof kale.

Dr. Canavero ayaa isku dayay qalliin aan wali dunida ka dhicin inuu sameeyo. Qalliin suaal galin ah oo caqliga aadamuhu uusan suuraysan karin. Afarsano ayuu wadaa qorshaha qalliinkaas isaga iyo dhakhtar Chinese ah. Waxa uu maalin dhawayd sheegay inay lafdhabarta oo caqabadda ugu wayn ah ay macquu tahay kadib markii xayawanno la isugu badalay.

Haddii qalliinkani guulaysto waxa ay noqon doontaa markii ugu horraysay taariikhda aadamha in madax qof lagu tallaalo qof kale. Waxa uuna noqon doona guusha ugu wayn ee dhakhaatiirta caafimaadku gaareen.

Dunidu heer waxay maraysaa ay ka fikirayso oo la qorshaynayo in inta madax qof laga soo jaro qof kale lagu tallaalo si qofi caafimaad taam ah u helo. Labada qofi midi maskaxda ayuu naafo ka yahay midina jirka kale sida murqaha iyo laf dhabarta kaaso aan socon karin. Markaa kan maskaxda naafada ka ah, ayaa la siinaya maskaxda iyo madaxa kan jirka naafada ka ah. Qofka meeshaas kasoo baxa wax auu noqonayaa qofkii maskaxdiisa lasoo qaatay.

Marka la leeyahay madaxa ayaa lasoo jarayaa kama dhigna in qofka qoorta inta laga soo gooyo kan kale qoortiisa lagu dhajinayo. Balse waa in qofka neerfayaahiisa lafdhabarta iyo xidadiisa aada madaxa inta lasoo qaado lagu tallaayo madaxa qofka kale. Marka ay toos isagu shaqeeyaanna madaxas lasoo goynayo oo lagu dhajinayo qoorta kan xididadiisa la tallaalay.

Haddii aad akhrisatay warbixintan lawadaag saaxibadaa, #Share dheh. Nagusoo biir #Follow Mahadsanid.

Tarjume: Mahamud Dahir

Jacaylkii Gorileha

Wuxuu ka helay meel xeeb ah waxay indhaha la raacaysay qorax sii dhacaysa, May arkayn!! niyadeedana kuma jirin waxaa kula haadi doona bahal!, Waxa la haaday bahal ka qaro iyo dhumuc wayn banni-aadamka,”huuuf” : “alla bahalka iga reeba ” ayaa codkeedii laga sii maqlayaa, xeebta waxa u dhaw kayn ay xayawaanku ku nool yihin.

Waxa la joogay oo aan aadba uga fogayn saygeeda oo daqiiqado ka hor keenay xeebta si ay usoo damaashaadan, ugana raystaan buuqa magaaladda, waxa uu ku war helay xaaskiisii oo hawada heehaabaysa isla markaana gacan ka xoog badani sii wadato oo xagaa iyo kayntii xeebta u dhawayd usii wadato, Muxuu ka qaban karaa? Waa laga awood wayn yahay lagana itaal roon yahay; Markaas ayuu ku tamaniyay alla jeclaysan lahaayee maanta awood.!!!

Ma maydhe qaanjeeraystay korkiisa aad moodo gel-gelin, Ismaba dhibayo waxa uu gabadhii uu soo qaatay unna awood sheegtay keensaday buuro dhexdood, meel lagu ba’ay, oo waxan uu wataaa Ma yaqaan afkiisa maya!! Hadaa muxuu ku falayaaa? Waa su’aal meesha ku jirta maadaama xayawaanku cadow isu arkaan oo laysu awood sheegto, Kan maanta wuu ka duwan yahay xayawaankaa, Waxa kaliya ee uu usoo qafaashay gabadha waa in uu daawado kaliya, gabalkii baa dhacay habeenkii baaa dumay inna caawa waxay ku hoyatay guri ka duwan gurigeedi ” gacan gorile dushii” Gorile waa nooc kamida daanyeerada,waa daanyeer ka caqli badan xayawaan la’ ayniga ah, isna caawa jawigiisu wuu ka duwan yahay sidii uu habeeno badan nolasha uga bartay waxa gacantiisa ku jirta marwo reer ka talin jirtay ama u talin jirtay.

Gorile caawa waxa uu galay ilaalin iyo ka warhayn qof uu soo xaday, wuxu habeenkii ilaaliyo oo kalba baalo daymoodo wuxu gabadhii, sidii baa waagii ugu baryey, markii uu arkay iftiinkii cadeeda waacusubna u baryay iskuna darsaday soojeedkii xalay iyo gabadhii uu gaadhka ka hayay ayaa arkay gabadhii oo iyana indhaha isgalisay, halkaas ayuu fursad u arkay oo isna indhaha is galiyay.

Waxaa raacdo soo galay oo ku daba jiray isla markaana raadkii ka halaabay koox ka mida nooca ilaalada xayawaanka loo tabaray korjoogtaynta xayawaanka.

Waxay xalay seexdeen iyaguna kaynta meel aan ka fogayn ba Gorilaha iyo gabadha, waxay kaceen markii qorraxdu soo baxday waxay heleen raadkii ay habeenkii arki waayeen, Waxay raadkii raacaanba waxay arkeen oo u muuqdayba bahalkii habeenka dhan la raadinayay ee ay daba jabacsanayeen, hadaba waa bahal ka awood wayn kana xoog badan haddii la dilanaya waxa xabsi gali doonta qofkii iskudaya inuu dillo.

Waxa la sameeyay oo ay shinbiro caag ka samaysan kuwaas oo laysaga jeedin karo, bahalka kuna shaqeeya hab uu maamulayo qof ka fog goobta loo adeegsanayo, Waxa la sameeyay in shirbirihii la sii daayo oo sida diyaaradaha qumaatiga u kaca oo duuliyo, waxa hurdadii ka kacay oo dareemay in lasoo galay goobtii bahalkii, Wuxu gacantiisi ka eegay uu ka waayay gabadhii uu xalay oo dhan u jeeday, wuxu habaaray hurdadii uu galay in yar kadib waxa uu arkay iyadii iyo koox kale oo dad ah oo meel aan ka fogayn ka sii muuqda, indhihii arkay buu u duceeyay waxa uu ka daba cararay iyagii.

Malaha orodkan bani aadamka laakiin waxa uu u ordayaa hab alle u abuuray, waxay arkeen bahal wax yar usoo jira oo habka uu u ordayaa ka muuqato hadaan nolosha idinku madhsan waayo, waxyar ka dib waxay la soo baxeen shirbirihii caaga ahaa, markan oo kale daba qarsiino ma leh maxay ka celin karaan caag ayaa is waydiin leh? Waxba.

Mid kamida kuwii loo tabo baray duurjoogta iyo ilaalintooda ayaa arkay bahalkii oo waxyar usoo jira kadibna indhaha kala eegtay quraarad ay ku jirto sunta kaga ilmaysiisa dadka iyo xayawaanka, kadibna waxa warreeray oo dhulka maciin biday bahalkii “Dam” wuxuu kasoo dhacay buur dusheed wuxuuna kusoo dhacay buurta hoosteeda oo u dhaw xeebtii uu shalay galab ka qaatay wuxu daawashadeeda ku raystay oo mar u ahayd dhayman la helay, Waxa la dhaxal wareejiyay banni aadam uu jacayl u qaaday, waxa uu isaga oo suux san kusoo dhawaaday gabadhii uu jeclaa waxay iyana ka naxday oo jacayl u qaaday markii lala helay dhallo ama quraarad ku jirto dawada suuxdintu, Halkaas ayaa laga soo qafaashay isna.

lana keenay goob lagu daawado, si loo ogaado bal jacayl waxa uu isla hayo waxaa meel hortiisa ah oo muraayad ka samaysan, la soo taagi doonta gabadhii uu duurka la tegay, Isagana waxa lagu soo xidhan meel aan sidaaba uga fogayn iyadii, waa meel garoon ah oo aad u balaadhan si fursad loogu helo daawada yaasha lagana macaasho, waxa goobtii loo samayeey taarabuun aad u wayn si macaash iyo faaiido looga helo dadka usoo daawasho tegaya, laakiin dad badani habeenka Ma mahadin doonaan waxay is waydiin doonaan nolashooda maxaa halkaas ka doonteen maxaad se faaiido ka dheefteen habeenkaa khasaaro mooyee.

Waxa lagu soo xidhay laba tiir ama laba rukun oo ay islahaayeen awood ahaan way hayn karaan bahalka awoodiisa lagu qiyaashay 200 tan , lagu soo hor xidhay wax naftiisa bedeshay, dheeman uu mar helay, luul uu noloshiisa mar arkay, inay kadib waxa la daaray music si loo hanto quluubta shacabka taarabuunka fadhiya iyo kuwa kala socda shaashadaha ay sida toos ugula socdaan.

Mar qudha ayaa jawigu is bedelay oo la galay xaalad ka duwan tii ka duwan tii hore ” Wuuuw ” Qiiiii” Qaaaq” Waxa is jabaq Dhagaystay garoonkii, waxa xadhkihii soo goostay gorile oo goobtaas ku soo badhigay awoodiisii wuxu cagta marin karayay ayuu la helay, wuxu Madaxa bashaaqin karayay ayuu bashaaqiyay, dad badan oo habeenkaa inay iska daawadaan u yimi ayuu geeri ugu bedelay, waxa Judhiiba lala baxsay gabadhii waxa la saaray gaadhi nooca raaxda ah oo garoonka dhex yaalay markaas, Wuxu isha ka arkay sida loo sii wado dheemayntiisii iyo halkay kasii hilaacayso, Is maba dhibine wuxu u talaabsaday sidii nin aroos ah oo loo aroosay gabadhiisa wuxu daba jabacsaday gaadhigii, Waxay la saaray gaadhi nooca raaxada ah isla markaana aad u dheereeya, laakiin waxa uu u orday habeenkii sidii inuu ka tirsan shinbiraha duulla, waxa uu orday laamiyo uu noloshiisa markii koobaad ee uu arkayo, laakiin waxa kaliya ee u bidhaamaysaa waa iftiinkaa hortiisa, nalkaas intaanu kaa damin ayuu niyada ku hayaa inuu hanan doono, Waxa uu ordaba wuxuu laad ku dhuftay noqon doona laadkii xawayaan iyo birr isku dhuftaan laysuguna awood sheegto laad.

Waxa jiheeyuhu ka lumi doonaa gaadhigii wuxu kala garan wayay Ma galbeed baad ka timi mise barri baad ku socotay ma koonfuraad u socotaa mise waqooyi weeye dhinaca aad u jihaysan tahay, waxa gaadhiga waday nin gabadha qabay oo islahaa bal caawana ayay hoy geedii seegin, laakiin nasiib darro waxa loo sheegay in gabadha lagu haysto, uuna jiro shay haduu isagu dheeman u haystay inay isaga u tahay luul badda kasoo baxa baxay, waxa mar kale gacanta uu ku hantay dheemantii Gorile maalin kale jawi kale ayuu galay wuxuu helay kalsooni ka maqnayd baa la odhan karaa, Marka ayuu sidii muraayad indhaha hor keenay luulkii, ilmo ayaa isku soo taagtay indhihiisa, qalbigiisa ayaa ayuu ka dareemay in caawa hawo kale uu neefsanayo, Jacayl baa saaqay,oo ma waxa uu u ilmaynayaa sidii uu uga badbaaday isku daygii ahaa in lagu daawo lagana maadsado .

Habeenkaas waxa la eryanayay isaga oo magaaladdii jooga maxaa lagu eryanayaa? waxa uu sidaa baa laysku haystaa.! waxa uu ku aamini waayay dhulkii waxa uu dusha uga baxay guri dabaqa korkiisa, habeenkii halkaas ayuu waagu ugu baryi doonaa, habeenkii oo dhan waxa uu daawanayay laydhadhka kaahooda waxa kale oo la yaabay midaba noocyada ah ee guluubada iyo kaaha baabuurta wuxu ku mashquulay daawashada magaaladda, Subaxii ayaa weerar cir iyo dhulba ah lagu soo qaaday, Waxa lagu weeraray diyaaradaha qumaatiga u kaca , hub nool waxa uu xejin kari wayay inuu dul saar naado guri dabaqa dushii, Naftu orodbay kugu aamintaa ayuu niyada gashaday, wuxu ku booday isaga oo gacanna ku sida gabadhii gacantiisii kalena ku tiisanaya mid kamida xadhkaha ka samaysan xadiidka ee aan hore u go’in.

Waxa uu dùsha uga baxay guri kale markii uu sii fuulayay ayay haleeshay rasaas ay qaarka danbe kala heleen diyaarad sabab u noqondoonta dhimashadiisa, halkaas ayuu gorile ku dhintay waxa goobtaas oohin qabsan doonta gabadhii, lamaba ogayn ee iyana jacayl bay u qaaday gorileha laakiin way ku guuldaraysay badbaadintiisa.

Dhamaad

W/Q: ahmed abdi abdilahi kahin “jeesto”

قصه فتاة .؛💟 { أروع…قصص الصبر}


(قصه فتاة .؛💟 { أروع…قصص الصبر}
ﺃﻧﺎ ﻓﺘﺎﺓ ﻣﻠﺘﺰﻣﺔ ﻣﺘﻮﺳﻄﺔ ﺍﻟﺠﻤﺎﻝ ﻋﻠﻰ ﻣﺴﺘﻮﻯ ﻋﺎﻟﻲ ﻣﻦ ﺍﻷﺧﻼﻕ ﻭﺍﻟﺪﻳﻦ
ﻣﻀﺖ ﺑﻲ ﺍﻟﺴﻨﻴﻦ ﻭﻟﻢ ﻳﺘﻘﺪﻡ ﺃﺣﺪ ﻟﺨﻄﺒﺘﻲ ﻭﺃﻧﺎ ﺍﺭﻯ ﺍﻟﻔﺘﻴﺎﺕ ﺍﻻﺻﻐﺮ ﻣﻨﻲ ﺗﺘﺰﻭﺝ ﻭﺗﻨﺠﺐ ﺍﻷﻃﻔﺎﻝ ﺍﻟﻰ ﺍﻥ ﺑﻠﻐﺖ ﻣﻦ ﺍﻟﻌﻤﺮ 34 ﻋﺎﻣﺎ
# # ﻭﻓﻲ ﻳﻮﻡ ﺗﻘﺪﻡ ﻟﺨﻄﺒﺘﻲ ﺷﺎﺏ ﻣﻦ ﺍﻟﻌﺎﺋﻠﺔ ﻭﻛﺎﻥ ﺃﻛﺒﺮ ﻣﻨﻲ ﺑﻌﺎﻣﻴﻦ ﻭﺍﺧﻼﻗﻪ ﻻﻏﺒﺎﺭ ﻋﻠﻴﻬﺎ
ﻃﺮﺕ ﻣﻦ ﺍﻟﻔﺮﺡ ﻭﺍﻟﺴﻌﺎﺩﺓ ﻭﺍﺣﺴﺴﺖ ﺃﻧﻬﺎ ﻓﺮﺟﺖ ﻋﻠﻲ
ﻭﺑﺪﺃﻧﺎ ﻧﻌﺪ ﺇﻟﻰ ﻋﻘﺪ ﺍﻟﻘﺮﺍﻥ ﻭﻃﻠﺐ ﻣﻨﻲ ﺻﻮﺭﺓ ﺍﻟﺒﻄﺎﻗﺔ ﺍﻟﺸﺨﺼﻴﺔ ﺣﺘﻰ ﻳﺘﻢ ﺍﻟﻌﻘﺪ ﻓﺄﻋﻄﻴﺘﻬﺎ ﻟﻪ ﻭﺑﻌﺪﻫﺎ ﺑﻴﻮﻣﻴﻦ ﻭﺟﺪﺕ ﻭﺍﻟﺪﺗﻪ ﺗﺘﺼﻞ ﺑﻲ ﻭﺗﻄﻠﺐ ﻣﻨﻲ ﺃﻥ ﺃﻗﺎﺑﻠﻬﺎ ﻓﻲ ﺃﺳﺮﻉ ﻭﻗﺖ
ﻓﺬﻫﺒﺖ ﺇﻟﻴﻬﺎ ﻭﺇﺫﺍ ﺑﻬﺎ ﺗﺨﺮﺝ ﺻﻮﺭﺓ ﺑﻄﺎﻗﺘﻲ ﺍﻟﺸﺨﺼﻴﺔ ﻭﺗﺴﺄﻟﻨﻲ ﻫﻞ ﺗﺎﺭﻳﺦ ﻣﻴﻼﺩﻱ ﻓﻲ ﺍﻟﺒﻄﺎﻗﺔ ﺻﺤﻴﺢ؟؟؟ ..
ﻓﻘﻠﺖ ﻟﻬﺎ : ﻧﻌﻢ
ﻓﻘﺎﻟﺖ : ﺇﺫﺍ ﺃﻧﺘﻲ ﻗﺮﺑﺘﻲ ﻋﻠﻰ ﺍﻷﺭﺑﻌﻴﻦ ﻣﻦ ﻋﻤﺮﻙ؟؟؟
ﻓﻘﻠﺖ ﻟﻬﺎ : ﺃﻧﺎ ﻓﻲ ﺍﻟﺮﺍﺑﻌﺔ ﻭﺍﻟﺜﻼﺛﻮﻥ
ﻗﺎﻟﺖ : ﺍﻷﻣﺮ ﻻ ﻳﺨﺘﻠﻒ ﻓﺄﻧﺘﻲ ﻗﺪ ﺗﻌﺪﻳﺘﻲ ﺍﻟﺜﻼﺛﻮﻥ ﻭﻗﺪ ﻗﻠﺖ ﻓﺮﺹ ﺇﻧﺠﺎﺑﻚ ﻭﺃﻧﺎ ﺃﺭﻳﺪ ﺃﻥ ﺃﺭﻯ ﺃﺣﻔﺎﺩﻱ !!!! ..
ﻭﻟﻢ ﺗﻬﺪﺃ ﺇﻻ ﻭﻗﺪ ﻓﺴﺨﺖ ﺍﻟﺨﻄﺒﺔ ﺑﻴﻨﻲ ﻭﺑﻴﻦ ﺇﺑﻨﻬﺎ
ﻭﻣﺮﺕ ﻋﻠﻴﺎ ﺳﺘﺔ ﺃﺷﻬﺮ ﻋﺼﻴﺒﺔ !!!
ﻭﻛﺄﻧﻲ ﻛﻨﺖ ﺑﺎﻟﺴﻤﺎ ﻭﻭﻗﻌﺖ ﻋﻠﻰ ﺍﻷﺭﺽ
ﻗﺮﺭ ﻭﺍﻟﺪﻱ ﺃﻥ ﻳﺮﺳﻠﻨﻲ ﺇﻟﻰ ﻋﻤﺮﺓ ﻷﻏﺴﻞ ﺣﺰﻧﻲ ﻭﻫﻤﻲ ﻓﻲ ﺑﻴﺖ ﺍﻟﻠﻪ ﺍﻟﺤﺮﺍﻡ
ﻓﺴﺎﻓﺮﺕ ﻭﺟﻠﺴﺖ ﺑﺎﻟﺤﺮﻡ ﺃﺩﻋﻮ ﺍﻟﻠﻪ ﺃﻥ ﻳﻬﻲﺀ ﻟﻲ ﻣﻦ ﺃﻣﺮﻱ ﺭﺷﺪﺍ
ﻭﺑﻌﺪ ﺃﻥ ﺍﻧﺘﻬﻴﺖ ﻣﻦ ﺍﻟﺼﻼﺓ ﻭﺟﺪﺕ ﺇﻣﺮﺃﺓ ﺗﻘﺮﺃ ﺍﻟﻘﺮﺁﻥ ﺑﺼﻮﺕ ﺟﻤﻴﻞ ﻭﺳﻤﻌﺘﻬﺎ ﺗﺮﺩﺩ ﺍﻵﻳﺔ ﺍﻟﻜﺮﻳﻤﺔ ( ﻭﻛﺎﻥ ﻓﻀﻞ ﺍﻟﻠﻪ ﻋﻠﻴﻚ ﻋﻈﻴﻤﺎ ) ﻓﻮﺟﺪﺕ ﺩﻣﻮﻋﻲ ﺗﺴﻴﻞ ﺭﻏﻤﺎ ﻋﻨﻲ ﺑﻐﺰﺍﺭﺓ ,
ﻓﺠﺬﺑﺘﻨﻲ ﻫﺬﻩ ﺍﻟﺴﻴﺪﺓ ﺇﻟﻴﻬﺎ ﻭﺿﻤﺘﻨﻲ ﻭﺃﺧﺬﺕ ﺗﺮﺩﺩ ﻋﻠﻲ ﻗﻮﻝ ﺍﻟﻠﻪ ﺗﻌﺎﻟﻰ : ( ﻭﻟﺴﻮﻑ ﻳﻌﻄﻴﻚ ﺭﺑﻚ ﻓﺘﺮﺿﻰ )
ﻭﺍﻟﻠﻪ ﻛﺄﻧﻲ ﻷﻭﻝ ﻣﺮﺓ ﺃﺳﻤﻌﻬﺎ ﻓﻲ ﺣﻴﺎﺗﻲ ﻓﻬﺪﺋﺖ ﻧﻔﺴﻲ
## ﻭﺍﻧﺘﻬﺖ ﻣﺮﺍﺳﻢ ﺍﻟﻌﻤﺮﺓ ﻭﺭﺟﻌﺖ ﺍﻟﻰ ﺑﻠﺪﻱ ﻭﻭﺻﻠﺖ ﺍﻟﻄﺎﺋﺮﺓ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﻤﻄﺎﺭ ﻭﻧﺰﻟﺖ ﻣﻨﻬﺎ ﻷﺟﺪ ﺻﺪﻳﻘﺘﻲ ﻭﺯﻭﺟﻬﺎ ﻓﻲ ﺻﺎﻟﺔ ﺍﻹﻧﺘﻈﺎﺭ ﻛﺎﻧﺎ ﻳﻨﺘﻈﺮﺍﻥ ﺻﺪﻳﻖ ﺯﻭﺟﻬﺎ
ﻭﻟﻢ ﺗﻤﺾ ﻟﺤﻈﺎﺕ ﺇﻻ ﻭﺟﺎﺀ ﺍﻟﺼﺪﻳﻖ ﻓﺴﻠﻤﺖ ﻋﻠﻴﻬﻢ ﺛﻢ ﻏﺎﺩﺭﺕ ﺍﻟﻤﻜﺎﻥ ﺑﺼﺤﺒﺔ ﻭﺍﻟﺪﻱ ..
ﻭﻣﺎ ﺃﻥ ﻭﺻﻠﺖ ﺇﻟﻰ ﺍﻟﺒﻴﺖ ﻭﺑﺪﻟﺖ ﻣﻼﺑﺴﻲ ﻭﺍﺳﺘﺮﺣﺖ ﺑﻌﺾ ﺍﻟﻮﻗﺖ ﺣﺘﻰ ﻭﺟﺪﺕ ﺻﺪﻳﻘﺘﻲ ﺗﺘﺼﻞ ﺑﻲ ﻭﺗﻘﻮﻝ ﻟﻲ ﺃﻥ ﺻﺪﻳﻖ ﺯﻭﺟﻬﺎ ﻣﻌﺠﺐ ﺑﻲ ﺑﺸﺪﺓ ﻭﻳﺮﻏﺐ ﻓﻲ ﺧﻄﺒﺘﻲ
ﻭﺧﻔﻖ ﻗﻠﺒﻲ ﻟﻬﺬﻩ ﺍﻟﻤﻔﺎﺟﺄﺓ ﻏﻴﺮ ﺍﻟﻤﺘﻮﻗﻌﺔ .. ﻭﻟﻢ ﺗﻤﺾ ﺃﻳﺎﻡ ﺃﺧﺮﻯ ﺣﺘﻰ ﻛﺎﻥ ﻗﺪ ﺗﻘﺪﻡ ﻟﻲ .. ﻭﻟﻢ ﻳﻤﺾ ﺷﻬﺮ ﻭﻧﺼﻒ ﺍﻟﺸﻬﺮ ﺑﻌﺪ ﻫﺬﺍ ﺍﻟﻠﻘﺎﺀ ﺣﺘﻰ ﻛﻨﺎ ﻗﺪ ﺗﺰﻭﺟﻨﺎ ﻭﻗﻠﺒﻲ ﻳﺨﻔﻖ ﺑﺎﻷﻣﻞ ﻓﻲ ﺍﻟﺴﻌﺎﺩﺓ …
ﻭﺑﺪﺃﺕ ﺣﻴﺎﺗﻲ ﺍﻟﺰﻭﺟﻴﺔ ﻣﺘﻔﺎﺋﻠﺔ ﻭﺳﻌﻴﺪﺓ ﻭﺟﺪﺕ ﻓﻲ ﺯﻭﺟﻲ ﻛﻞ ﻣﺎﺗﻤﻨﻴﺘﻪ ﻟﻨﻔﺴﻲ ﻓﻲ ﺍﻟﺮﺟﻞ ﺍﻟﺬﻱ ﺃﺳﻜﻦ ﺇﻟﻴﻪ ﻣﻦ ﺣﺐ ﻭﺣﻨﺎﻥ ﻭﻛﺮﻡ ﻭﺑﺮ ﺑﺄﻫﻠﻪ ﻭﺃﻫﻠﻲ ,
ﻏﻴﺮ ﺃﻥ ﺍﻟﺸﻬﻮﺭ ﻣﻀﺖ ﻭﻟﻢ ﺗﻈﻬﺮ ﻋﻠﻲ ﺃﻳﺔ ﻋﻼﻣﺎﺕ ﺍﻟﺤﻤﻞ , ﻭﺷﻌﺮﺕ ﺑﺎﻟﻘﻠﻖ ﺧﺎﺻﺔ ﺃﻧﻲ ﻛﻨﺖ ﻗﺪ ﺗﺠﺎﻭﺯﺕ ﺍﻟﺴﺎﺩﺳﺔ ﻭﺍﻟﺜﻼﺛﻴﻦ ﻭﻃﻠﺒﺖ ﻣﻦ ﺯﻭﺟﻲ ﺃﻥ ﺃﺟﺮﻱ ﺑﻌﺾ ﺍﻟﺘﺤﺎﻟﻴﻞ ﻭﺍﻟﻔﺤﻮﺹ ﺧﻮﻓﺎ ﻣﻦ ﺃﻻ ﺃﺳﺘﻄﻴﻊ ﺍﻹﻧﺠﺎﺏ …
ﻭﺫﻫﺒﻨﺎ ﺇﻟﻲ ﻃﺒﻴﺒﺔ ﻛﺒﻴﺮﺓ ﻷﻣﺮﺍﺽ ﺍﻟﻨﺴﺎﺀ ﻭﻃﻠﺒﺖ ﻣﻨﻲ ﺇﺟﺮﺍﺀ ﺑﻌﺾ ﺍﻟﺘﺤﺎﻟﻴﻞ , ﻭﺟﺎﺀ ﻣﻮﻋﺪ ﺗﺴﻠﻢ ﻧﺘﻴﺠﺔ ﺃﻭﻝ ﺗﺤﻠﻴﻞ ﻣﻨﻬﺎ ﻓﻮﺟﺌﺖ ﺑﻬﺎ ﺗﻘﻮﻝ ﻟﻲ ﺇﻧﻪ ﻻ ﺩﺍﻋﻲ ﻹﺟﺮﺍﺀ ﺑﻘﻴﺘﻬﺎ ﻷﻧﻪ ﻣﺒﺮﻭﻙ ﻳﺎﻣﺪﺍﻡ .. ﺃﻧﺘﻲ ﺣﺎﻣﻞ !
ﻭﻣﻀﺖ ﺑﻘﻴﺔ ﺷﻬﻮﺭ ﺍﻟﺤﻤﻞ ﻓﻲ ﺳﻼﻡ ﻭﺇﻥ ﻛﻨﺖ ﻗﺪ ﻋﺎﻧﻴﺖ ﻣﻌﺎﻧﺎﺓ ﺯﺍﺋﺪﺓ ﺑﺴﺐ ﻛﺒﺮ ﺳﻨﻲ …
ﻭﺣﺮﺻﺖ ﺧﻼﻝ ﺍﻟﺤﻤﻞ ﻋﻠﻰ ﺃﻻ ﺃﻋﺮﻑ ﻧﻮﻉ ﺍﻟﺠﻨﻴﻦ ﻷﻥ ﻛﻞ ﻣﺎﻳﺄﺗﻴﻨﻲ ﺑﻪ ﺭﺑﻲ ﺧﻴﺮ ﻭﻓﻀﻞ ﻣﻨﻪ ,
ﻭﻛﻨﺖ ﺍﺣﺲ ﺑﻜﺒﺮ ﺣﺠﻢ ﺑﻄﻨﻲ ﻋﻦ ﺍﻟﻤﻌﺘﺎﺩ ﻓﺴﺮﺗﻪ ﻟﻲ ﺑﺄﻧﻪ ﻳﺮﺟﻊ ﺇﻟﻰ ﺗﺄﺧﺮﻱ ﻓﻲ ﺍﻟﺤﻤﻞ ﺇﻟﻰ ﺳﻦ ﺍﻟﺴﺎﺩﺳﺔ ﻭﺍﻟﺜﻼﺛﻴﻦ .
ﻭﺗﻤﺖ ﺍﻟﻮﻻﺩﺓ ﻭﻟﻤﺎ ﺃﻓﻘﺖ ﻣﻦ ﺍﻟﻌﻤﻠﻴﺔ ﻭﺟﺪﺕ ﺃﻫﻠﻲ ﻭﺃﻫﻞ ﺯﻭﺟﻲ ﺣﻮﻟﻲ ﺟﺎﻟﺴﻴﻦ ﻳﻀﺤﻜﻮﻥ
ﻓﺴﺄﻟﺘﻬﻢ : ﻣﺎﺫﺍ ﺃﻧﺠﺒﺖ
ﺭﺩﻭ ﺑﺼﻮﺕ ﻭﺍﺣﺪ : ﺑﻨﺖ ﻭﺻﺒﻲ
ﺗﻮﺃﻡ ﻫﻤﺴﺖ ﻟﻨﻔﺴﻲ … ﻭﺑﺪﺃﺕ ﺩﻣﻮﻉ ﺍﻟﻔﺮﺡ ﺗﻐﺴﻞ ﻭﺟﻬﻲ
ﻭﺗﺬﻛﺮﺕ ﺍﻟﻤﺮﺃﺓ ﻓﻲ ﺍﻟﺤﺮﻡ ( ﻭﻟﺴﻮﻑ ﻳﻌﻄﻴﻚ ﺭﺑﻚ ﻓﺘﺮﺿﻰ )
ﻗﺎﻝ ﺍﻟﺤﻖ ﺳﺒﺤﺎﻧﻪ ﻭﺗﻌﺎﻟﻰ ( ﻭَﺍﺻْﺒِﺮْ ﻟِﺤُﻜْﻢِ ﺭَﺑِّﻚَ ﻓَﺈِﻧَّﻚَ ﺑِﺄَﻋْﻴُﻨِﻨَﺎ )
اذا اعطى ادهش ..
🌙🌳اذا اتممت القراءة ضع
بصمتك👍وأكتب (مما راق لك وأعجبك)
ليصلك المزيد من المعلومات والقصص من فضلك ادخل للصفحة واعمل متابعه للصفحة ليستمر وصول المنشورات إليك

CAMALKA UGU MIZAAN CULUS MAALINTA QIYAAM

  • Akhalaaqda iyo dhaqanka wanaagsan, dabeecada dabacsan ee macaan waa naxariis alle, ad-adayga iyo Qalafsanaanta iyo naxariis darada iyo af xumaduna Waaa Ciqaab in lagugu ibtilileeyo Dabeecad noocas ah ,waa Imtixaan iyo ciqaab weyn
  • Maaxaa yeelay waxay keeni kartaa in aduunkana manbuud noqoto(lagaa kala Cararo)
  • haddi aad risaalad iyo mab da”(iyo message or fiiriin ) wadatayna aan lmab da” agi Laqaadan Cidina kugu soo ururin waxad waday laga kla daadiyo hadii kalena aad noqoto (tuke canbaar leh ama neeef Candho qaba) Ooo ruuxi ku arkaba kaasii cararaya, aakhira alle swt agtiisa waxaad ka tahay adoomada alle ugu neceb yahay Uguna shar badan
  • in alle swtagtiisa aad dabeecad liidata oo khalqigii dhibto taaa
  • macnaheedu waxa weeyaan in aad tahay adoon aa khayr lahayn
    • sidaas daraadeed baa nabigeenu scw maka uu ka hdalayay dadka mu:muniinta ah iimaanku wax uu keenayaa in ruuuxa dabeecaduiisu debacdo waxa uu rasuulku yir scw”
    • Mu”mink awaa 
    •  *ruux debacsan 
    • ruuc hayin ah 
    • ruux layliyan
    • ruux garabkiisu dadka u dabcsan yahay
    • ruux lasoo dhaweeyo
    • waa loo dunmaa (xiisaa)
    • asaguna dadka uu dunma

maan la heshiino al shabaab

A

5 hrs · 

Waxaa qoray: Yusuf-Garaad

Maan la heshiinno Shabaab!

Ciidanka Shabaab badankiis waa dhallinyaro Soomaaliyeed. Waa dhallinyaro uu gabay Qarankoodu. Waa dhallinyaro ku dhashay ama ku barbaaray iyada oo uu maqan yahay Qaran suga amnigooda. Waayay Dowlad siisa adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad. Aan helin Hey’ado u abuura fursado shaqo. Aan arag adeeg garsoor oo cidda ku xad gudubta uu isaga qaban karo.

Waa dhallinyaro loo diiday nidaam u suurta geliya in ay codkooda ku cabbiraan doorasho degaan iyo mid Qaran oo hadba qofka ama xibsiga ay doonayaan ay ku taageeraan. Waa dhallinyaro uu Qaran burburka nagu dhacay u diiday nabad iyo nololba.

Intaas oo dhan waxay noqotay in iyaga loo daayo in ay is dabbaraan.

Waxay ka mid yihiin malaayiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dacdarreysan. Qaarkood waxay ka qeyb galeen dagaallada noocyada kala duwan ee dalka ka dhacay. Qaar kale waxay noqdeen burcad badeed. In badan ay iyaga oo qax ah ayay badaha isku qaadeeen kuwaas oo qaar badani ay ku naf weyeen. Qaarkood ay xeryo qaxooti oo aad u nolol adag ay ku qaateen tobannaan sano. Qaar badan lagu soo dhoweeyay xabsiyo dalal shisheeye.

Intooda dadaashay ee Ilaaheey u suurta geliyay in ay xaalad adag ay wax ku bartaan, in yar oo nasiib leh ayaa shaqo heshay. Inta kale ayaga oo shahaaddo Jaamacadeed ama laba haysta ayay ku shaqo la’ yihiin dalka gudihiisa.

Waxaas oo dhan waxaa sabab u ah Qaran burburka dalka ka dhacay. Kaas oo aanay wax mas’uuliyad ah ku lahayn dhallinyarada maanta joogtaa.

Meesha Bannaan Buuxi
Kaalintii ay gabtay Dowladda Soomaaliya oo hawada ka maqnayd ugu yaraan toban sano, waxaa u loollamay in ay buuxiyaan kooxo kala duwan.

Qaarkood waa wadaaddo ay qaarkood isku dayeen in ay wax ka qabtaan baahida waxbarashada. Qaar kalena sugidda amniga iyo garsoorka.

Waxaa iskaashaday wadaaddo ay qaarkood qabaan afkaar aad u durugsan iyo kooxo ajnebi ah oo dalalkooda dembiyo ka soo galay oo gabbaad iyo markii dambe saldhig ka dhigtay dalkeenna. Kooxda dambe sababta ay dalkeenna u xusheen waxay ahayd in ay ka faa’iideystaan maqnaashaha awood Dowladeed oo ka hor istaagta.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo arka caddaalad darrada ku haysata dalkooda gudihiisa ee Soomaali ama ajnebi u gaystay, maqla caddaalad darrada ku dhacaysa muslimiin ku sugan degaanno kale oo caalamka ah, waxaa loo jeedsiiyay in sida keliya ee caddaalad ay ku heli karaan ay tahay qori caaraddiis.

Waxaa la tusay in ay sidaas guul ku gaari karaan. Haddii lacalla ay militeri ahaan ku guuleysan waayaanna aakhiro Allah ku abaal marin doono Jannada.

Dhallinyrada ku jira howlgalka noocaas ah, waxaa ku goobtay amni darro joogta ah iyo caddaalad darro la deristay. Cidda keliya oo wax u sheegtaana waxay ku akhrineysaa afkaar xag jir ah, midka keliya oo wax siiyaana wuxuu siinayaa tababbar sida qof ama wadar-qof loo dilo iyo aaladdii lagu dili lahaa.

Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah in Qaranku uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd ubadkiisa ee xagga sugidda amniga, barbaarinta iyo ka ilaalinta in niman caalamka la doondoonayaa ay u helaan in ay u noqdaan macallimiin lagu daydo.

Caddaalad-darro Bulsho
Waxaa colaadda Shabaab sii soofeeyay caddaalad-darrada bulsho ee Soomaalida dhexdeeda ah ee lidka ku ah diinta Islaamka iyo ilbaxnimada casriga ah sida dadka lagu takooro dhalashadooda iyo dulmiga saami qeybsiga siyaasadeed ee qabaa’ilka qaarkii lagu hayo. Dulmigaas oo mar kastaba ka jiray dalka Soomaaliya wuxuu ugu sii darnaa tobankii sano ee xigay burburka Dowladda.

Doodda Shabaab waxaa iyaguna qiil u doonay falal xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha oo ay ciidammo ajnebi ah ama wakiilladoodu ay ka geysteen dalka Soomaaliya gudihiisa xilliyo kala duwan.

Dowladdii ay fashilaaddeeda iyo maqnaashaheedu eeddaas geysteen, marka ay hadda soo naaxdo, ee ay billowdo in ay isku daydo in ay amniga sugto caddaaladna raadiso, sax ma tahay in ay isla dhallinyaradii at gabtay ay ku tilmaanto dembiilayaal? Weliba dembiilayaa ay tahay in la laayo ama la soo qabqabto si mid-mid loogu toogto?

Marka dhallinyarada noocaas ah la wajahayo, maxaa Qaranka la gudboon?

Wadahadal, Qarax-joojin iyo Is-af-garad

Waxay iigu muuqataa intii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ku jira laga horgeyn lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciidan ah, oo markaa ay dhallinyarada Soomaaliyeed isku dhammaan lahayd, in ay waajib tahay in laga fekero in la helo hab loo kala badbaadin karo dhallinyarada. Waxaan ognahay in isu geyn dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaan karto cudud Soomaaliyeed, ayada oo isla markaasna la xaqiijinayo in khatarta Shabaab laga badbaado amaba dhammaanteed la soo afjaro.

Waan ogahay oo waa wax sahlan in afka laga sheego, xaqiijintuse ma sahlana.

Laakiin waa ayo qofka u haysta in Qaran burburka nagu dhacay xal loo helo in ay tahay howl sahlan?

Xalku kuma imaanayo in annaga oo aan si cad uga doodin, aragna sida ay xal u keeni karto aan soo minguurinno siyaasadda dalal kale ay Shabaab kula dhaqmaan.

Shabaab badankeed waa Soomaali. Cidda uga badan ee ay dilaan waa Soomaali. Cidda ay nabad iyo horumar ka hortaagan yihiin waa Soomaali. Waxaa waajib nagu ah in aan helno hab aan ku qanacsan nahay in aan wakhtiga ugu yar ku gaari karno in aan dhibkooda ka gudubno, iyagana inta ugu badan aan ku badbaadin karno maaddaama ay mas’uuliyadi naga saaran tahay oo ay yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu Qaranku gabay.

Aragtideydu waxay tahay in si dhab ah looga shaqeeyo in Shabaab lala galo wadahadal ujeeddadiisu ay tahay in lagu soo xero geliyo intooda Soomaalida ah.

Waan ogahay in ay Dowladda hadda jirta iyo Dowlado ka horreeyay ay ku baaqeen in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafin doono.

Laakiin waa kala laba in idaacadaha laga sheego in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafinayo iyo in si dhab ah looga shaqeeyo in dhallinyarada Shabaab ku jirta la helo waalidkood iyo walaalkood, la helo “Shiyuukhdii” wax bartay, in la helo saaxiibbadood. In intaas oo dhan lala kaashado in ay badbaadiyaan naftooda iyo tan walaalahooda Soomaaliyeed. In marka lagu qanciyo in ay soo laabtaan, haddana si tifatiran loogu sheego sida ay u soo laaban karaan iyo meesha ay ku laabanayaan. In loo diyaariyo barnaamijyo u abuuraya fursado. Intaa wixii ka dambeeya in ay helaan xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee datruurku uu u oggolaanayo.

In Madaxda al Shabaab ee Soomaalida ah lala furo wadahadal si qoto dheer oo miisaaman looga fekeray, ujeeddaduna ay tahay in marka hore la gaaro xabbad iyo qarax-joojin marka xigtana lagu gaaro is afgarasho si loo kala badbaado loogana wada qeyb qaato dib-u-dhiska dalka.

Dulucda qoraalkeygu waa in aan xakameyno carada ay nagu khasbayaan wiilasha isku dhex qarxinaya shacabka dhexdiisa ee leynaya dad ehelkooda ah oo aan waxba galabsan welibana aanay aqoon.

Waa in aan fahamnaa una xanuunsannaa midka isqarxinaya laftiisa ee naftiisu ay xabbadda la qiimaha noqotay. Waa in aan ka fekernaa in aan isaga badbaadinno, si ay bulshaduna uga badbaaddo.

Tallaabo wax ay tarto mooyee aan waxba dhimenyn oo laga billaabi karo waxay tahay in marka hore ay Dowladdu joojiso toogashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ka tirsan ee xabsiyada ku jira.

Design a site like this with WordPress.com
Get started